DEG DEG: Ciidamada Dowlada ee gobolka hiiraan oo Gacanta ku dhigay Qarax dhulka lagu aasay & Dadkii dhigay

by admin | Wednesday, Jun 13, 2018 | 1115 views

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Qarax miino oo la sheegay in lagu Aasay inta u dhaxeysa  Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buule Burte.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde , ayaa sheegay Shabaab inay qarxiyaan ugu aaseen halkaasi si ay dadka shacabka ah ugu waxyeeleeyaan, balse ciidamada ay arrintaasi ka hortageen.

Waxaa uu sheegay howlgallo ay sameeyeen ciidamada Ammaanka in ay gacanta kusoo dhigeen saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Falkaasi,islaamrkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in dadka Shacabka iyo ciidamada oo wada shaqeyn ay dhexmartay in ay sahashay in Qaraxaasi gacanta lagu dhigo.

Wadada isku xirta Magaalada Buulo burde iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi, hadda ka hor waxaa ka dhacay qarax miino oo dad shacab ah iyo ciidan waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response