Deg deg: Ciidamo Ka tirsan Dowladda oo Qarax Lagula eegtay Muqdisho

by admin | Tuesday, Jul 31, 2018 | 873 views

Duleedka   Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Xirada maslax ayaa waxa  saakay Qarax  lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aasao,waxaana la sheegay  in xiliga Qaraxa uu dhacayay ay wadada marayeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,sida aan wararka ku helnay.

Dad goobjoogyaal ah ayaa shegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay ee Mararyay gagaaarka xirada maslax ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas ay rideen Ciidamada dowlada Soomaaliya ee agdhawaa goobta uu ka dhacay Qarax.

Like it? Share it!

Leave A Response