DEG DEG: Dagaal ka socda degaano ku yaalla Galgaduud

by admin | Wednesday, Jul 21, 2021 | 14 views

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Deegaanada Sino-dhaqo iyo Labidulle uu ka socda Dagaal xoogan kadib Weerar Ciidamada Dowladu halkaasi ku qaadeen Saaakay gaar ahaan Meelo Alshabaab Fariisimo ku lahaayeen.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu yahay mid xooggan , islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Alshabaab Weerarka Saaka ku qaaday ayaa ah Guutada 15aad ee Qaybta 21aad.

Wali lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dagaalka hogaaminaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response