Deg deg: Ganacsade goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 1110 views

kooxo hubeysan ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay mid ka mid ah ergadii xildhibannada baarlamanka Soomaaliya ku soo doortay magaalada Jowhar.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali .

Sidoo kale allaha unaxariiste Cabdi Cali ayaa ka mid ahaa ganacsatada magaalada Baladweyne.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in xiliga la dilayay marxuumka uu fadhiyay tukaankiisa hortiisa kaasoo ku yaala cilmi lows.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan dhamaanba ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyaga oo horay u sheegtay in ay ka danbeeyeen dilal horey loogu geystay shaqsiyaad ka mid ahaa ergooyinkii kala duwanaa ee gobollada dalka ku soo doortay xildhibaannada.

Ciidamada dowladda oo tagay goobta ayaa wada howlgalo lagu baadiyo goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkan.

Like it? Share it!

Leave A Response