DEG DEG:-Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan oo la dilay

by admin | Sunday, Dec 30, 2018 | 1010 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weeraray gaadiid uu la socday Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kaas oo lagu Magacaabi jiray Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere)

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa xilliga la weerarayay uu ka tegay Magalada Baladweyne,isaga oo kusii jeeday degmada Matabaan ee uu mas’uuliyiinteeda ka mid yahay.

Inta la xaqiijiyay Saddex askari oo ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaas,sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaas lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada degmada Mataan.

laso wixii soo kordho

Like it? Share it!

Leave A Response