Deg deg : Howlgallo ka socda magaalada Gaalkacyo

by admin | Saturday, Jul 28, 2018 | 931 views

Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka Magaaladaasi ka wadda howlgallo Ballaaran oo ay ku baadigoobayaan Kooxaha hubeysan ee dilalka ka geysta Gaalkacyo.

Ciidamada Isku dhafka ah ee maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa Saaka inta badan howlgallo ka wadda Xaafaddaha Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland.

Howlgallada ay waddaan Ciidamada Ammaanka ayaa yimid ka dib markii xalay halkaasi lagu dilay taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland qeybta Gaalkacyo Cabdirashadiid.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response