DEG DEG: kala carar ka socda mid ka mid ah isgoysyada ugu weyn Muqdisho

by admin | Tuesday, Apr 17, 2018 | 983 views

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dad ku sugnaa isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ay mar qura kala carareen ka dib markii ay ka baqeen gaari NOAH ah oo isgoyska meelaan ka fogeyn tiilay.
Gaariga NOAH-da oo tiilay wadada laamiga dhiniciisa gaar ahaan goob mehrad caanka ah oo isgoyska ku taala ayaa dadka ay ka shakiyeen,waxayna durba bilaabeen iney kala cararaan.

Dadka cararay waxaa u badnaa Haween qaad ku iibinayay hareeraha laamiga,waxaana markii danbe loo sheegay in gaari Qarax saarneyn,balse shaqsi goobta uu kaga tagay.

Shacabka reer Muqdisho ayaa si aad ah baqdin uga qaaday Qaraxyada ka dhaca magaalada,Waxayna noqdeen kuwo wadnaha farta ku hayo.

Like it? Share it!

Leave A Response