Deg deg: Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 885 views

Waxaa uu dilka  ka dhacay Bartamaha Wadada Isgoyska Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen  dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Bosteejadda Isgoyska Bakaaraha ee baabuurta rara.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.

Like it? Share it!

Leave A Response