DEG DEG: Maxkamada ICJ oo Markale dib u dhigtay Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya

by admin | Thursday, Oct 17, 2019 | 33 views

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa xaqiijiyey in dhagaysiga dacwaddii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay.

“Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin” ayuu yiri Fiqi

Ambassador Faqi ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aankaas qaadatay kadib markii ay eegtay codsigii ka yimid Kenya iyo jawaabtii Soomaaliya ka bixisay.

 

4-ta bisha Noofembar ee soo socota ayaa lagu waday in la dhageysto Dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga Cudurdaaratay.

Like it? Share it!

Leave A Response