DEG DEG:-Meydadka 8 Ruux oo la soo dhigey duleedka degmada Balcad

by admin | Thursday, May 28, 2020 | 446 views

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Gololeey oo kamid ah deegaannada hoostaga degmadaasi la soo dhigay meydadka 8 Ruux oo dhalinyaro ahaa.

Dhalinyaradaan oo la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana maanta meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Mid kamid ah ehellada dadka la dilay ayaa warbaahinta   waxaa uu u sheegay in shalay dadkaasi Xarunta Caafimaad ay ka Shaqeynayeen laga afduubtay Maantana la dilay.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmada Balcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadka dilkaasi ka dambeeyay,hayeeshee qaar kamid ah Ehellada ayaa waxaa ay sheegeen in wadaan baaritaan ku aadan dadka ka dambeeyay dilkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response