deg deg: Qarax ka dhacay Beledweyne

by admin | Tuesday, Sep 11, 2018 | 960 views

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada Jabuuti lagula eegtay Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne.

Dadka dadka kunool Xaafadda Xaawo Taako, ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada Jabuuti lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxa.

Gaariga uu qabsaday Qaraxa ayaa waxaa saarnaa tiro askar ah oo ay waxyeelo kala duwan  soo gaartay .

Ciidamo dheeraad ah oo Jabuutiyaan ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxu, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo.

Ma jiraan waxyeelo soo gaartay dad Shacabka ah sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay Qaraxa maanta lala beegsadya Ciidamada Jabuuti,iyada oo qaraxa kaddib la sheegay in Ciidamada ay Rasaas rideen.

Axaddii ayey ahayd kaddib markii Labo Askari oo Reer Jabuuti ah ku dhinteen qarax lagula beegsaday Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Korontada ayaa la sheegayaa in ay ka go’day Magaalada Beledweyne Qaraxa kaddib iyada oo sharikadda korontada siisa Magaalada la sheegayo in uu qaraxa saameeyay

Ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay ka howlgallaan gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response