Deg deg : Shaqaale ka tirsan Bisha Cas oo lagu afduubtay soomaaliya

by admin | Thursday, Aug 9, 2018 | 898 views

Rag hubeysan ayaa shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas waxa ay gelinkii dambe ee maanta ka afduubteen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle oo ka wada tirsan gobolka Baay.

Warkan waxaa warbaahinta   u xaqiijiyay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma, wuxuuna sheegay afduubkan inay ku tuhmayaan dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Shaqaalaha samafal ee la afduubtay oo watay gaari NOAH ayaa waxa ay gaarayaan ilaa Shan qof oo Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar, halka labada kalena ay yihiin Rag, wuxuuna afduubkooda si gaar ah uga dhacay Tuulada Busleey oo dhawr iyo 20-KM ujirta magaalada Baydhabo.

Shaqaalaha afduubka lagula kacay ayaa waxa ay ku sii jeedeen degaanka Awdiinle oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ugu socdeen hawlo shaqo, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Halka uu afduubka ka dhacay kuma sugna ciidan dowladeed iyo Shabaab toona, balse sida la sheegay Al Shabaab waxa ay doonaan ayay halkaasi ka sameyn karaan, iyaga oo ku yimaada qaab qarsoodi ah, sida ay ku warameen dadka degaanka.

Waxaa socda dadaalo lagu raadinayo shaqaalaha la afduubtay oo dhammaantood ah Soomaali, saraakiisha Hay’adda Bisha Cas oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin afduubkan loo geystay shaqaalahooda.

Like it? Share it!

Leave A Response