DEG DEG:-Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 324 views

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa  xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilkaGaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

Xilka qaadista Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar ayaa waxaa ay timid kadib markii shir jaraa’id uu qabtay uu ku sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo uu sheegay in lagu doonayay muddo kororsi.

Like it? Share it!

Leave A Response