DEG DEG: Taliyeyaasha Ciidamada oo xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la Magacaabay

by admin | Thursday, Aug 22, 2019 | 1135 views

Shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa  lagu magacaabay taliyayaasha cusub Ciidamada Nabad suggida , Booliska, Asluubta iyo xoogga dalka Soomaaliyeed.

Fahad Yaasiin Xaaji ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka.

Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska.

Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta.

Like it? Share it!

Leave A Response