Deg deg :Toogasho ka dhacday Kismaayo

by admin | Tuesday, Jun 18, 2019 | 703 views

Askari ka tirsan Ciidamada Jubaland ayaa goordhow lagu toogtay gudaha magaalada Kismaayo, sida ay  xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo warbaahinta.

Kooxaha hubeysan ayaa toogtay Askariga oo la sheegay in uu ku sugnaa Bar Kontorool oo ay leeyihiin Ciidanka Booliska Jubbaland.

Askariga ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Jubbaland, islamarkaana uu shaqo ku jiray xilliga la dilayay.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay , waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxihii dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response