Deg deg : Wariye lagu dilay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Jul 26, 2018 | 870 views

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa mid ka mid ah TV-yada ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan, wuxuuna ka hawlgali jiray TV-ga SBS oo ka mid ah TV-yada ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan wuxuu ahaa Muuqaal Duube.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen kahor inta uusan dilka dhicin inay wada murmeen askariga iyo Wariyaha la dilay oo xilligaasi saarnaa Mooto Bajaaj, intaasi kadibna uu rasaas furay ninka hubeysnaa.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, balse waxaa ku daba jira ciidanka ammaanka dowladda federaalka, si sharciga loo horgeeyo.

Wariye C/risaaq ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, balse markii Isbitaalka la geeyay ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Agaasimaha TV-ga SBS qeybta Muqdisho Maxamed Nuur Dhakane ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta   geerida  Wariyaha, wuxuuna dowladda ka dalbaday in cadaalada la horkeeno askarigii falkan geystay.

Ururada saxaafadda ayaa aad u cambaareeyay dilka Marxuum C/risaaq Qaasim Iimaan oo ahaa Wiil Dhalinyaro ah, waxayna Hay’adaha ammaanka ka codsadeen in arintan ay si deg deg ah uga jawaabaan.

Like it? Share it!

Leave A Response