Deg deg : Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle oo Caawa Geeriyooday.

by admin | Sunday, Jul 29, 2018 | 971 views

Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Digfeer ku geeriyooday Siciid Xaashi Tooxow oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle.

Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta    u xaqiijiyay geerida iyo Xanuunkiisa Xuseen Maxamed Tuuryare oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedaha Hir-Shabeelle.

Madaxda iyo Wasiiradii uu katirsanaa Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga ayaa Tacsi u diray ehelkii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday.

Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wado qorshe aas loogu sameynayo, waxaana Isbitaalka uu ku geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Ganacsiga Hir-Shabeelle buux dhaafiyay Ehelkiisa, Asaxaabtiisa iyo xubno katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response