Deg deg: xiisad dagal ayaa ka tagan gobolka hiiraan

by admin | Thursday, May 24, 2018 | 943 views

Deegaanka banyaaley oo ah xadka gobolada galgaduud iyo hiiraan waxaa kasoo cusboonaaday xiisado colaadeed oo u dhexeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada gobol,

isbuucii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray maleshiyaadkii halkaa kusuganaa waxaana iska hor imaadkaasi inta la,ogyahay ku geeriyooday sedex qof halka inkabadana aay ku dhaawacmen

odayaal kala matalaya gobolada galgaduud iyo hiiraan oo aay kasoo kala jeedaan qabaa,ilada dagaalamay ayaa lagu wadaa maanta in aay kulmaan oo aay kawada hadlaan xalinta khilalaafaadka u dhexeeya beelahaasi

sidoo kale maamulada galgaduud iyo hirshabelle ayaa iyagana horay ugu fashilmay joojinta colaada ka dhextaagan beelahasi

Like it? Share it!

Leave A Response