Deg deg: Xoghayihii joogtada Wasaaradda Gargaarka oo is casilay

by admin | Thursday, Aug 9, 2018 | 1339 views

Maxamed Cumar Macalin oo ahaa Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradaasi.

Xoghayaha ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta.

Sidoo kale wuxuu sheeegay inay kala aragti duwanaansho u dhaxaysay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Xamza Saciid Xamza, islamarkaana aanu ku qancin qaabka shaqo ee wasiirka.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in is casilaaddan ay la xiriirto kiis dhawaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u Dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi, kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay xatooyo xoolo dadweyne.

Maalmahan dambe waxaa jiray is qab qabsi mararka qaar soo kala dhexgala Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda iyo masuuliyiinta ka hoos shaqeeya, waxaana dhacda mararka qaar inay soo saaraan warqado isku jawaabid ah oo awood sheegasho ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray in Wasiir uusan shaqo joojin ku sameyn karin Xoghayaha joogtada Wasaaradda, isaga oo aan ka talo gelin Madaxda xukuumadda.

Like it? Share it!

Leave A Response