Deg deg :Yuusuf Dabageed oo sheegay in uu iskuday dil ka badbaaday

by admin | Monday, Jun 24, 2019 | 688 views

Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan ee uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Waare xilkaasi diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in markii saddexaad uu ka badbaaday dil qorsheysan.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Baladweynhe ayuu sheegay in Maanta la soo weerar,isla markaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay soo weerareen si ay u dilaan balse uu dilkaasi ka badbaaday,

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray yuusuf Dabageed in dulmi cad lagu haayo Shacabka reer Hiiraan,isla markaana mas’uul uu ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xulufo uu wato sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in talada hiiraan las oo farageliyo,isla markaana laba sano iyo bar dhibaato lagu haayao Shacabka Reer Hiiraan.

Hadalka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kusoo aadaya xilli Maanta la sheegay in Hoyga uu degan yahay ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,walow markii dambe xiisad ka dhalatay ay odayaasha Dhaqanka xaliyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response