Deg deg:Diyaarad uu saarnaa wasiirka amniga Soomaaliya oo laga soo celiyey Nayrobi

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 806 views

Diyaaraddan oo uu la socday wafdi kasocday dowladda Soomaaliya uuna kamid ahaa wasiirka ammaanka Soomaaliya xildhibaan  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayna saarnaayeen rakaab badan oo Soomaaliyeed ayaa laga soo celiyey garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nayrobi.

Diyaaraddan sidday wasiir Islow iyo rakaabka la socday ayaa caawa dib ugu soo noqotay garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho 7:40pm, waxaa iska lahaa diyaaradda shirkadda diyaaradaha ee Ocean Airlines

Sababta si rasmi ah looma sheegin balse maamulka garoonka JKIA ayaa diiday in diyaaraddu caga-dhigato garoonka.

Hay’adda duulimaadyada rayidka ah iyo maamulka garoonka Muqdisho ayaan weli kahadlin arrintan, waxaana la qiyaasayaa in ay tahay diyaaradda oo xilli habeen gashay hawada magaalada Nayrobi

Like it? Share it!

Leave A Response