Deg deg:Hantidii lagu Bililiqeystay Godey oo dib loo celiyay

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 1080 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Godey ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen rabashado.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka magaalada Godey  dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn ganacsigoodii la boobay.

Dhibkaasi oo la sheegay inay geysteen dhalin yaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka caraysan xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday dedaal ay wadeen xubno ka tirsan Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya xafiiskiisa Godey oo waday waano iyo wacyi gelin ay ku daminayeen xaaladdii taagnayd.

Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudiga arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta degaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Itoobiya.

Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba 80% u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd. Waxaanu ugu baaqay shacabka degaankaas Soomaalida Itoobiya ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo ay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey

Like it? Share it!

Leave A Response