Deg deg:Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 434 views

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM qarax khasaaro geystay lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa agagaarka Tuulada Gololeey oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee degmada Balcad lagula eegtay Cidiamo ka tirsan kuwa Burundi oo ka baxay degmada Balcad kuna wajhnaa Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Burundi xilliga qaraxa lala eeganayay ay ahaayeen kuwo wadada lugeynayay oo howlgal ku jirey,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha qaraxaasi ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa,iyaga oo sheegay inay qaraxaasi khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo kamid ah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response