Deg deg:Shabaab oo weeraray Deynuunay

by admin | Thursday, Jun 7, 2018 | 1133 views

Xoogaga ururka Al-Shabaab ayaa saakay aroortii la sheegay in ay dagaal kula wareegeen degaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shabaabka ayaa dhanka Koonfureed ka galay deegaanka Deynuunay, iyagoona iska cabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degaanka Deynuunay, waxayna tilmaameen in ay gacanta ku dhigeen Sahnado Millitari oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar Gacma oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka dowladda ay raggan ka war hayeen, ayna uga baxeen degaanka, balse markii ay gudaha u galeen lagu bilaabay dagaal.

“Kooxaha Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday degaanka Deynuunay, waana laga war hayay, marka ay gudaha u galeen degaanka ayaa weerar lagu qaaday, dagaal ayaa socda, khasaaraha ilaa hadda lama oga, mana jiraan wax sahnad ciidan ah oo ay la wareegeen.” Ayuu yiri Afhayeenka Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadii kala duwan, balse saraakiisha Koonfur Galbeed waxay tilmaameen inay dib ka faah faahin doonaan.

Al-shabaab ayaa dhawr mar weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidan Millitari ah iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxayna arrintaasi dhibaato ku noqotay shacabka halkaasi degan, oo cabsi ka muujinaya weerarada Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response