Degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab oo Maanta laga ciidayo

by admin | Wednesday, May 12, 2021 | 259 views

Iyada oo dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo inta badan dalalka Caalamka ay shaaciyen in Maanta la dhameystirayo 30-ka Bisha Soon ayaa waxaa jira degaano & degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya oo Maanta laga Ciidayo.
Degaannada laga Ciidayo ayaa waxaa Maamula Ururka Al-Shabaab, waxaana xalay ay ku dhawaaqeen inay Maanta tahay Ciid, isla markaana Bisha ay arkeen 8 Ruux oo ku sugan Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Baay & Bakool.

Sidoo kale waxaa jira meelo kamid ah Soomaaliya oo ay dowladda Gacanta ku heyso oo Maanta laga Ciidayo sida degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Guud ahaan Soomaaliya looga dabaal-dego Maalinta koobaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay bulshada kula dukadaan Goobo fagaarayaal ah.

Like it? Share it!

Leave A Response