Degmo ka tirsan Muqdisho oo gacanta u gashay rag hubeysan oo u abaabul hab beeleed{War Cusub}

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 926 views

Mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho ee Gobolka Banaadir oo la ogaaday iney u xiran tahay Hogaamiyaal beeleed oo xiran shaatiga Dowladda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Shacabka degmada Deyniile ayaa sheegay in Nidaam Dowladeed mid maamul Gobolka Banaadi wali aanay soo gaarin,islamarkaana dhex kaga jiraan nidaam qabiileed.

Waxay sheegeen in degmada Deyniile ay ka taliyaan rag u abaabulan hab beeleed,islamarkaana waxay doonaan shacabka ka sameysta,waxaana maamulka Gobolka Banaadir lagu dhaliilay in hanaanka maamuleed halkaasi si rasmi ah uga dhaqan gelin.

Markasta waxaa dagaal ku dhexmaraa Askar xiran dareeska Ciidanka Xoogga dalka,kuwaasi oo isku heysta dhul,waxaana jirin cid dhex gasha oo kala maareysa labadaasi ciidan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysan la’ iney dib u heshiisiin rasmi ah kala dhex dhigto beelaha Soomaaliyeed ee mudada 20-ka sano dagaalamayay.

Waxaa inta badan magaalada Muqdisho laga maqlaa daryanka Hub culus oo marka aad dadka weydiiso kuu sheegaya inuu yahay dagaal labada ciidan oo Dowladda ka tirsan u dhaxeeya balse hab beeleed u abaabulan.

Like it? Share it!

Leave A Response