Degmooyinka gobolka Hiiraan oo maanta si weyn looga Ciiday{sawiro}

by admin | Friday, Jul 31, 2020 | 480 views

Shacab weynaha ku nool degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan, sida Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta si weyn u ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ku Tukaday Salaadii Ciida garoomada kubadda cagta lagu cayaaro iyo Masaajidada waa weyn ee ku yaala magaalada.

Salaadda kadib ayaa wadooyinka waa weyn waxaa lagu arkay dad aad u fara badan oo isugu jiray bulshada qeybaheda kala duwan, kuwaas oo isugu marxabeynay farxada maalinta Ciidda koowaad.

Iyadoo cabsi xoogan iyo dadaalo looga hortagayo cudur COVID-19 aduunka intiisa kale wali laga dareemayo ayaa hadana shacabka reer Baledweyne arintaasi u muuqan oo si caadi ah bulshadu isagu hambalyeynayeen, ayna isugu booqaneyeen xaafadahooda.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, ay bulshadu ku tukadeen Labadii Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka Baledweyne ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Toban kun oo Xujey ah sanadkaana gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

W/Q: Bashiir cabdulahi cismaan

Baladweyne,soomaliya

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response