DF ma ka go’an tahay dagaalka Al-Shabaab, maxaase ka jira geerida Cali Dheere?

by admin | Wednesday, Oct 2, 2019 | 601 views

Jidadkaan la xiraayo oo maalin kasta xiran waa qeyb ka mid ah caburinta, Hadii aad i doorataan oo aan dalkaan nabad ka keeni waayo jid la xiraayo ma jiri doono waxaan gadaal ka marayaa gaadiidka waaweyn, weerarku waxa uu ka socdaa hal dhinac Shabaab ayaa weerara meeshii ay doonaan oo dila qofkii ay doonaan, Hadii aad i doorataan waxaan la imaanayaa istiraatiijiyad cad oo Shabaab dalka looga xoreeyo”.

Markii uu ballan qaadkaan sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxay aheyd bilaawgii 2017-kii, seddax sano kadib qatarta Al-shabaab waa ka korartay halkii ay maalintaas joogtay, sida ay qabaan dadka yaqaana arimaha ciidamada.

Malaayiin lacag ah oo ay ka sameeyeen canshuur ay ka qaadaan ganacsiga magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto dekeda iyo goobaha ganacsi ee wadada Maka Al-mukarama ayey Al-shabaab geliyeen dhinca dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay isku koobtay oo kaliya difaaca wadada Maka Al-mukarama iyo xaafadaha ku teedsan, halka inta kale ee magaalada Muqdisho yihiin Allow amuuraha Sahal.

Weeraradii ugu badnaa, uguna adkaa ayey todobaad gudihiisa ka fuliyeen Saldhigyo milateri oo ku yaala gobalka Shabeelada Hoose, weerarkii ugu dambeeyay Al-shabaab waxay shalay ku qaadeen Garoonka Ballidoogle oo ay daganyihiin ciidanka ugu adag ciidamada Soomaaliya ee DANAB, ciidan mareykan ah iyo kuwa ka tirsan AMISOM.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Ballidoogle, waxay ka baxeen degmada Janaale iyo degaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeellada Hoose, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa 50-60 dagaalame, waxayna mareen deegaanka wado aado buurhakaba sida uu qof magaciisa qariyay oo ku sugan Janaale uu u sheegay Idaacadda Kulmiye, waxuu sheegay ruuxaas in uu indhihiisa ku arkay Shabaab-kii shalay weeraray saldhigga military ee Ballidoogle, isagoo intaas raaciyay in aysan awood u laheyn in ay soo wargaliyaan ciidamada dowladda xiliga Al-shabaab ay abaabulayaan weeraradooda.

Al-shabaab guul weyn kama gaarin weerarkii ay shalay ku qaadeen Ballidoogle, balse waxaa lagu tilmaamay in ay aheyd fariin ay dirayeen, taas oo ah jiraan, oo sii dagaalami karaan, Cabdullaahi Nuur Xaashi, oo kamid ah saraakiishii hore ee Sirdoonka ayaa sidaas ku qeexay weerarkii shalay, waxa uuna ku taliyay in Al-shabaab lala heshiiyo sida ururka Taalibaan ee ka dagaalama dalka Afgaanistaan.

Al-shabaab waxay dhib wayn ku hayaan dadka ku nool degaanada ay maamulaan iyo kuwa ku hoos nool dowladda, qof ku nool Janaale oo aan qarinay magaciisa ayaa sharaxaya dhibaatooyinka ay qabaan dadka ku nool degmadaasi, waxa uuna cadaadiska Al-shabaab kordhay ee Janaale kordhay todobaadyo ka hor, markaas oo ay soo gaartay warbixin sheegaysa inuu geeriyooday Afhayeenkii Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali dheere”.

Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan shabeelada Hoose ayaa halis ugu jira Al-shabaab sababta oo ah waxay dhaxda ugu jiraan Al-shabaab, sidoo kale weerarada Al-shabaab ee Muqdisho iyo shabeellada Hoose ayaa la sheegay in aysa joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saaro dhulka ku teedsan wabiyada iyo badda ee Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeynayaa in aysan waqti badan gelin dagaalka Al-shabaab, balse taas badalkeeda ay xoogga saartay caburinta iyo cadaadiska maamul goboleedyada iyo siyaasiinta ka aragtida duwan ee soo maciin biday xaafado kooban ka tirsan magaalada Muqdisho, seddax sano kadib, dad badan ayaa qaba su’aal ah dowladda maka go’antahay dagaalka Al-shabaab?

Like it? Share it!

Leave A Response