DF oo sheegtay inuu isa soo dhiibay Sarkaal Shabaab ah

by admin | Tuesday, Aug 7, 2018 | 838 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inuu isa soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo magacaiisa lagu sheegay C/rxamaan Xuseen Wardheere oo magaciisa afgarashada ay Shabaab u yaqaaneen Bilaal.

Ninkan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wuxuu sheegay inuu ka baxay Al Shabaab oo uu ka tirsanaa muddo 12 sano ah, wuxuuna tilmaamay dhalinyarada Shabaab ka tirsan in aysan qanaaco ku qabin.

Dowladda Federaalka ayuu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweysay, taas bedelkeeda wuxuu dhalinyarada ka tirsan Shabaab ugu baaqay inay ku soo biiraan dowladda, islamarkaana ka faa’ideystaan baaqii Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo barnaamijkii dadkaaga ka mid noqo ee Wasaaradda amniga.

Wuxuu sheegay inta uu wareysiga bixinayay in uusan farqi weyn u dhaxeyn Ururka Al Shabaab iyo kooxda Daacish, hase yeeshee waxa ay isku heystaan ay tahay xukun iyo maamul.

Dowladdu ma aanay sheegin halka uu iska soo dhiibay sarkaalkan iyo Shabaab waxa uu u qaabilsanaa, horey sidan kale waxaa isku soo dhiibtay dhalinyaro ka tirsanaa Al Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response