DF Soomaaliya oo ku dhowaaqday guddi ay xubin ka tahay Somaliland

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 417 views

Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelatay guddi sare oo kala metali doona dowladda dhexe ee federalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ah 7 xubnood.

Guddigan oo ay ku dhowaaqday hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka shaqeeyaan kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska.

Sidoo kale waxa ay hubin doonaan sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee la soo saaray, mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

”Guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan inay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.” ayuu yiri maareeyaha hay’adda Batrolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen.

Somaliland ayaa sidoo kale guddigan xubin ku yeelatay, waxaana ku metalaya, Cabdixaafid Cali Dirir, halka dowladda dhexana uu metalayo Mahad Maxamed Xasan.

Waxaa sidoo kale guddiga qeyb ka ah Caasho Cismaan Axmed oo metaleysa gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo ka socda HirShabelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo isna metalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo metalaya Koonfur Galbeed, iyo Axmed Xaaji Cabdi oo metalaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyey guddigaasi oo haatan wixii ka dambeeyo la wareegi doono shaqada iyo maamulka hay’adda Batrolka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka faa’iideysato kheyraadka uu Ale ku maneystay oo ugu horreeyo shidaalka dabiiciga ah, waxaana hore u billowday qorshaha sahminta shidaalka, iyadoo ay ku tartarmi doonaan shirkado waa weyn oo caalami ah.

Like it? Share it!

Leave A Response