DFS iyo Galmdug oo shir ka yeeshay xaaladihii u dbeeyay ee Abaarta

by admin | Sunday, Aug 7, 2022 | 302 views

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimadaXildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame, oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee  Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha  Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Like it? Share it!

Leave A Response