DFS & Maamulka Galmudug oo xal la gaaray dagaal dhex-maray laba Beelood

by admin | Monday, Sep 27, 2021 | 336 views

Waxaa degan xaaladda degaanka xananbuure ee Waqooyi Gobolka Galgaduud, kadib markii lagu guuleystay in la kala qaado laba maleeshiyo Beeleed oo muddo ka badan laba todobaad ku dagaalamayay, isla markaana amniga lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dagaalka laba beelood aya waxaa uu ka billawday dil loo geystay qof Shacab ah, waxaana dadal ballaaran oo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya & Galmudug ay ku guuleysteen in labada maleeshiyo Beeleed la kala geeyo degaano isku jira in ka badan 15km.

Wasiir kuxigeenka Beeraha Galmudug Cilmi Cali Ganeey & Wasiirka degaanka Sanoter Siyaad Saciid Shirwac oo qeyb ka ahaa dadaaladii lagu joojiyay dagaalka ayaa waxaa ay ka warbixiyeen sida loogu guuleystay xabad joojinta.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in degaanka xananbuure uu yahay mid Nabad ah, isla markaana ciddii hub sharci darro ah la soo gasha tallaabo laga qaadi doono.

Dagaalkii mudada labada todobaad ah ka socday degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud oo salka ku haayay dhul halkaasi ku yalla ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response