DFS oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Xubno katirsan Al-Shabaab.{sawiro}

by admin | Monday, Jul 13, 2020 | 440 views

War kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay in howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose kusoo qabteen saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Deegaannada Mubaarak iyo Daaru-salaam oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayay sheegeen saraakiisha Ciidamada in ay kusoo qabteen xubno katirsan Al-Shabaab iyo ilaalo la socotay.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidamada Gorgor gacanta ku dhigeen madaxii sirdoonka Gobolka Shabeelaha Hoose Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Macalin Bilaal Jeylaani Nuure iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo isna qaabilsanaa Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliye Cabdimaalik ayaa intaa raaciyay in saraakiishaan lala soo qabtay 5-ruux oo kale oo katirsan Al-Shabaab oo gacanta Hay’adaha Dowladda Soomaaliya ku jira, isla markaana ay soo bandhigeen sawirradooda.

G/le Ismaaciil waxa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab la joogteeyay, Ciidamada ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ay tageen deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response