DG Galmudug oo Saldhigyo Booliis u sameyneysa Magaalooyinka laga qabsaday ‘AS’.

by admin | Sunday, Jan 29, 2023 | 207 views

Wasiirka Amniga DG Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in Magaalooyinka laga qabsaday ‘AS’ in dib looga hirgelinayo Saldhigyo Booliis si Ciidamadaas ay wax uga qabtaan falalka amniga liddiga ku ah.

Wasiir Gaboobe ayaa tilmaamay in Saldhigyadaan ay muhiim u yihiin in lala socdo fal dambiyeedyada ka dhaca Magaalooyinkaan, waxa uu bogaadiyay Ciidamo Booliis ah oo si is xilqaan ah shaqada usii billaabay.

Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug ayuu Wasiirka Amniga DG Galmudug sheegay in dib looga howlgelin doonno Saldhigga Booliiska oo ah mid qadiimi ah si ay ugu howlgalaan Ciidamada ammaanka.

“Saraakiisha & Ciidamada ku howlan sugidda amniga waxa aan uga mahadcelinayaa shaqada is xilqaanka ah ay qabteen, waxaa lasoo magacaabayaa taliyaha & ku xigeenkiisa, Saldhigga Booliiska Xarardheere waa qadiimi waxaana ku howlanahay sidii dhowaan dib loogu dhisi lahaa loona casriyeyn lahaa si ay Magaalada uga daba-tagto magaalooyinka laga hirgeliyay saldhigyada” Wasiirka Amniga DG Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe.

Wasiirka Amniga DG Galmudug ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada oo roondo joogta ah ka sameeya Magaalooyinka laga qabsaday ‘AS’ ay laf-dhabar u noqon karaan kahortagga falalka amniga liddiga ku ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in Maamullo KMG ah loo sameynayo Magaalooyinka ‘AS’ laga qabsaday si maamulladaas ay u diyaariyaan dhismaha golaha deegaanka oo dooran doonna Guddoomiye, ku xigeen & qaybaha kala duwan maamulku ka kooban yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response