Dhacdo Layaab Leh:-Haweeney Qabtay Cudurka HIV AIDS Oo Cirbad Ku Durtay Darawal Mooto Bajaaj

by admin | Monday, Apr 16, 2018 | 958 views

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa waxa ay Maanta ka dhacday  Magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa waxa uu sheegay in Wiil Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta uu qof haweeney ah ka soo qaaday ,isl markaana xili uu marayay wadada soo aada dhanka Taleex ay haweeneydii ku durtay Cirbad.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Ciidamadu ay wareysteen haweeneyda ayna u sheegtay in ay qabto Cudurka HIV AIDS,isla markaana ay ka timid Magaalada Hargeysa,ugu dambeyna ay ciimadu la wareegeen Haweeneydii iyo Wiilkii Darawalka Bajaajlaha ahaa.

Dhacdadaan oo ah mid dalka ku Cusub,waxaana mudo bil ka hor ah sidaan oo kale la sheegay in dhacdadaan ay ka dhacday degmada Wadajir wallow markii dambe la beeniyay. magaalada muqdisho ayaa hada noqotay  meel ay dadka kacabsadaan dumar wada boorsooyinka yar yar .

Like it? Share it!

Leave A Response