Dhacdo Layaab Leh:Haweeney Qabtay Cudurka HIV AIDS Oo Cirbad Ku Durtay Darawal Mooto Bajaaj

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1552 views

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa waxa ay   ka dhacday meel aan ka fogeyn Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho,sida ay warbaahinta u sheegeen  dad Goobjoogayaal Ah.

Qof ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa waxa uu sheegay in Wiil Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta uu qof haweeney ah ka soo qaaday meel waxyar u jirta Isgoyska Tarabuunka,isl markaana xili uu marayay wadada soo aada dhanka Taleex ay haweeneydii ku durtay Cirbad.

Waxa uu sheegay qofka Goobjooga ah in intaasi kadib Wiilkii uu joojiyay Mootada kadibna dhulka uu ku dhacay,isaga oo qeylinaya,sidaasina ay goobta ku yimaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda,isla markaana ay qabteyn Haweeneydii.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Ciidamadu ay wareysteen haweeneyda ayna u sheegtay in ay qabto Cudurka HIV AIDS,ugu dambeyna ay ciimadu la wareegeen Haweeneydii iyo Wiilkii Darawalka Bajaajlaha ahaa.

Dhacdadaan oo ah mid dalka ku Cusub,waxaana mudo bil ka hor ah sidaan oo kale la sheegay in dhacdadaan ay ka dhacday degmada Wadajir wallow markii dambe la beeniyay.

Like it? Share it!

Leave A Response