Dhageyso:-Digniin loo diray Dhaqaatiirta Ajanbiga ee ka howlgasha Hir-Shabeelle

by admin | Sunday, May 26, 2019 | 854 views

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay inay baaris ku hayaan Dhaqaatiir Ajaanib ah oo aan khibrad badan laheyn,kuwaas oo ka howlgalla Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in dhaqaatiirtaas ay hayaan xogtooda,isla markaana dadka ay u qoraan daawo aan sax aheyn,waxaana uu sheegay in baaritaanka kadib tallaabo laga qaadi doono.

Waxa uu u digay cid kasta oo uu sheegay inay ku howlan tahay falal la xiriira amnidarro inay tallaabo ka qaadi doonaan,waxaana uu dignii u diray dhaqaatiirta Ajnabiga ah ee ka howlgalla deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa kusoo aadaya xilli deegaano badan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ay ka howlgallaan dhaqaatiir Ajnabi ah,kuwaas oo ka Shaqeeya Isbitaalo sigaar ah loo leeyahay.

Hoos ka dhageyso warbxin uu ka diyayay bashiir cabdulahi cismaan

oo jooga magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Like it? Share it!

Leave A Response