Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo Go’aan ka gaaray dhibaato ka jirtay Baladweyne

by admin | Thursday, Aug 15, 2019 | 588 views

Kadib kulan ay Maanta Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Ganacsatada Baladweyne ayaa waxaa la go’aamiyay in ku dhowaad Afar sano  kadib gobolka Hiiraan laga isticmaalo lacagta Shilinka Soomaaliga.

Ganacsatada iyo Maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku raacay in la socodsiiyo lacagta shilinga soomaaliga taas oo baahi weyn ay u qabaan Shacabka danta yare ee ku nool Magalada Bladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kulanka sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya lacagta Cansuurta ah ay ku qaadi doonaan lacagta Shillinka Soomaaliga, isaga oo ka digay in lacagta feelsada ah lagu soo dhex qariyo lacagta caadiga ah.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response