Dhageyso:-Maxaa sabab u ah xilka qaadista deg dega ah ee Maamulka G/Hiiraan?

by admin | Sunday, Jul 14, 2019 | 760 views

Saddexdii sano ee uu jiro Maamulka Hir-Shabeelle waxaa gobolka Hiiraan soo maray maamulo kala duwan,iyada oo loo magacaabay in ka badan lix guddoomiye,waxaana taasi dad badan ay ku dhaliileen madaxda Hir-Shabbeelle.

Hayeeshee Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sababeeyay waxa gobolka Hiiraan kaliya ku koobay isbeddelka dhinaca guddoomiyaha ah,iyada oo Gobolka Shabeellaha Dhexe uu weli guddoomiye ka yahay Axmed Meyre Makaraan oo la magacaabay xilligii dowladii Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in sababaha inta badan loo bedeelayo gudodomiyeyasha Gobolka Hiiraan uu yahay maamul xumo iyo cudur ka jira gobolkaas oo u baahan in wadatasho laga sameeyo.

Hoos  ka  dhageyso:  warbixin uu  ka  diyaari  bashiir  cabdulahi cismaan

Like it? Share it!

Leave A Response