DHAGEYSO: Xil. Cali Ciileey “Waa Been Wiil 16 Jir Xil Loo Magacaabay Ma Jirto”

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1103 views

Xildhibaan Cali Cusmaan Ibraahim (Cali Ciileey) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka HirShabelle kana soo jeeda Deegaanka Gamboole Ee Galbeedka Jowhar Dhaca ayaa waxa uu ka hadlay warar la isla dhexmarayey Saacadihii lasoo dhaafay oo ahaa in Arday Iskuul xilligiisa ku jira Xil Loo magacaabay.
Warbaahinta Internet-ka qaar ayaa faafiyey wiil 16 Jir ah in Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Gamboole Loo magacaabay hase ahaatee waxa la sheegay in khalad dhacay uu ahaa oo dib loo sixi doono.

Cali Ciileey oo Warbaahinta qaar kula hadlay Maanta Magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in aysan sidii loo qorsheeyey Magacaabistaas u imaan.
Waxa uu beeniyey in Arday lagu magacaabo Feysal C/llaahi Cumar oo 16 Jir ah ay Xilkaasi Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada Gamboole loo magacaabay

Like it? Share it!

Leave A Response