Dhalinyaro uu diiday inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo oo Qorshe Halis ah ku Dhaqaaqay

by admin | Tuesday, Jun 12, 2018 | 1056 views

Warar hoose  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu diiday inuu la kulmo qaar ka mid ah Dhalinyaradii la shaqeyneysay xiligii ololaha doorashada uu socday waxayna taasi sababtay inay ku biiraan Mucaaradka Dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaar ka mid ah Dhalinyaradii la shaqeyneysay intii ugu firfircooneyd shaqooyin sare u dhiibay laakiin waxaa jira kuwa badan oo Hotelada Muqdisho lagu hayay kuwaasoo laga jartay lacagihii ay qaadanayeen.

Dhalinyaradan ayaa ka mid noqday Mucaaradka Dowlada iyagoo hormuud u noqon doono olole Baraha Bulshada dacaayado looga fidin doono Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u arkay Dhalinyaradan inay ka mashquulinayaan dad uu arimo muhiim ah kala hadlo, waxayna habeen iyo Maalin Madaxtooyada u tagayeen inay xilalka ka baadi goobayaan Dowlada, markii ay ku fashilmeena way kasoo horjeesteen.

Like it? Share it!

Leave A Response