Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Tuesday, Oct 1, 2019 | 568 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan  Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay shalay dagaalo ka dhaceen.

Deegaannada ay dhaq dhaqaaqyada Ciidan ka socdaan ayaa waxaa kamid ah tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn agagaarka Saldhiga Ciidamada Balli-Doogle ee shalay la weeraray iyo deegaannada Bariire iyo Awdheegle halkaas oo shalay gelinkii dambe ay dagaalo ka dhaceen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose,isla markaana ay baadi goob ku hayaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhigyada Ciidamada soo weerara.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan ay sanadkaan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kula wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaannada Sabiib & Caanoole,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response