Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Thursday, May 2, 2019 | 977 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Bariire ee gobolkaas oo shalay Gelinkii hore ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan Bariire ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in deegaanka Bariire ay la wareegeen ciidamada Dowladda,waxaana ay sheegeen in ay iyaga gacanta ku hayaan.

Sananadkii 2017 ayaa Ciidamada Dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire,hayeeshee dhowr bil kadib ay Ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response