Dhaqangelinta Amar kasoo baxay Maamulka Magalada Garoowe oo bilaawday

by admin | Sunday, Jun 20, 2021 | 262 views

Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa bilaabay inay dhaqan geliyaan Amar kasoo baxay maamulka Magalada, kaas oo ahaa in Xoolaha Magaalada dhex socda si deg deg ah looga saaro.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen Maamulka gobolka Nugaal oo ay wehliyeen kan degmada Garoowe ayaa kulla g’aamiyay sidii Ariga magaalada dadka isla leh uga xanaanaysanlahaayeen, iyada oo loo qabtay in muddo laba maalmood ah uga xareestaan.

Sawiro laga soo qaaday wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa la arkayay Dadka qaarkood oo Xoolaha waodoyinka ka xareeysanaya, balse ay jiraan xoolo weli lagu arkaayo wadooyinka Waaweyn ee magaalada Garoowe.
Duqa degmada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa sheegay in sababta Go’ankan ay u qaateen inay tahay sidi loo soo celin lahaa Bilicda Magaalada, waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka Xoolahooda ka xareeysan waaya Magaalada.
Maamulada kajira dalka badankood ayaa soo saara waqti walba amaro la xiriira in Xoolaha laga xareeyo wadooyinka waawyen ee Magaaloyinkaas, hayeeshee amaradaas intooda badan aysan dhaqan gelin.

Like it? Share it!

Leave A Response