Dhaxal Sugaha Sacuudiga & Wiilka Trump Sodoga U Yahay Oo Sir Culus Laga Helay

by admin | Thursday, Oct 18, 2018 | 874 views

Telefishinka Mareykanka Ee CNN ayaa baahiyey Wabrixin uu kaga hadlayey xiriirka ka dhaxeeya ee saaxiibtinimada iyo Mida Hantiyeed ah Jared Kushner iyo Wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey Fariimo iyo Qoraal Whatsapp-ka ay igu direen labada Nin oo hadda la ogaaday inay Hanti ka dhaxeyso.

Majalada The HILL oo warbixintaan daabacday waxay sheegeysaa in wiilka uu sodoga uyahay Madaxweynaha Mareykanka Kushner iyo Boqorka Sacuudiga Wiilkiisa ay yihiin saaxiibo isku dhaw oo wax badan wadaaga.

Aqoon yahan Axmed Tiir oo London Deggan ayaa BBC SOMALI usheegay inay adag tahay Culeys uu Sacuudiga kala kulmo Mareykanka sababo jiro Awgeed.

Waxa uu Axmed Tiir soo hadal qaaday Cilaaqaat-ka Labada Nin Ee Kushner iyo Maxamed Salmaan ay ka dhigeyso mid xiriirkii Labada Dal sii xoojineysa.

Qadiyada Wariyihii la waayey Ee Jamaal Kashoghi waxa ay noqotay Utin Ku taagan Mareykanka,Turkiga iyo Sacuudiga,maadaama Seddex Dal ay saameyn ku leedahay.

Like it? Share it!

Leave A Response