Dhibaato soo wajahday dadkii ka Baracakay Colaada G/Hiiraan

by admin | Sunday, Jul 21, 2019 | 717 views

Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay la soo deristay dadkii ka barakacay dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay tuulooyin hoostaga degmadaasi Matabaan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada degmada Matabaan Ducaale Aadan Cabdi Ciise ayaa sheegay in dagaal beeleedkii ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ay sababeen barakac baahsan iyo dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in dadkii ka barakacay dagaaladaas oo u badnaa Xoolo Dhaqato gaaraya ku dhowaad 10,000 oo Qoys  ay u kala barakaceen deegaanada Hees  & teedaan halka kuwo kale ay aadeen deegaanada Qodqod iyo degmada Guriceel,kuwaas oo uu sheegay in culeys dhinac walba ah uu heysto.

Odayaasha labada Beelood ee ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Matabaan ayuu sheegay inay ku guuleysteen in ay xabada joojiyaan,waxaana uu sheegay in dadka colaadaas ka barakacay loo diyaariyay qorshooyin kala duwan.

Dagaal beeleedkii ka dhacay dhawaan  deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan Toboneeyo Ruux boqolaal kalena ay ku barakacayaal.,,,,,,

Like it? Share it!

Leave A Response