Dhimashada & kororka Kiisas cusub ee Covid-19 oo dardar ku socda!

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 426 views

Cudurka Covid-19 oo guud ahaan Caalamka gaaray ayaa dib usoo laba-kacleeyay todobaadkaan, kadib markii tirada guud dadka uu ku dhacay gaartay 30,379,527 (Soddon Milyan, Saddex boqol, Todobaatan iyo Sagaal kun, Shan boqol, labaatan iyo Todobo.

Dadka guud ahaan u dhintay cudurku waa 951,144 (Sagaal boqol, konton iyo kow kun, boqol, afartan iyo afar ruux, halka dadka ka caafimaaday tiradoodu gaartay 22,062,299 (Labaatan iyo labo Milyan, Lexdan iyo labo kun, labo boqol, Sagaashan iyo Sagaal.

Maanta oo Jimco ah waxaa kiisas cusub laga diiwaangeliyay dalal kala duwan oo Caalamka, waa dhimasho iyo kuwo uu ku dhacay xannuunka dilaaga ah ee Coronavirus sida ay baahisay Waaxda Caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

37,508 (Soddon iyo todobo kun, Shan boqol iyo Siddeed) Kiisas cusub ayaa lagu qoray diiwaanka, halka dhimashada cusub ay gaartay 866 (Siddeed boqol, Lexdan iyo Lex ruux).

Kiisaska cusub ee Cudurka Covid-19 dalalka laga diiwaangeliyay waxaa ugu badan Ruushka oo laga helay 5,905 (Shan kun, Sagaal boqol iyo shan), dhimashada waxaa shukaanta u heysa Dowladda Mexico oo diiwaanka u gashay 201 (Labo boqol iyo Koow).

Ruushka ayaa ugu sareeya qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika waxaa kaalinta 1-aad ku jira Mareykanka, Aasiya Hindiya ayaa shukaanta u heysa, Koofurta Ameerika Brazil, Afrika waxaa kiisaska ugu badan Covid-19 laga helay Koofur Afrika & Qaaradda Lexda dal ku kooban Oceania (Australia) waxaa hoggaanka u heysa Dowladda Australia.

Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa sheegay in la xakameynayo faafitaanka Cudurka Covid-19, dadka ayuu amray in ay kala fogaadaan, isla markaana meelaha qaar la joojinayo isu socodka iyo duullimaadyada Aada.

Shirkado Ganacsi, Kooxaha Kubadda Cagta, Meelaha Dalxiiska, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo meelo kale ayaa dhaqaale xumo soo wajahay, waxaana sababta lagu tilmaamay dadkii kaleentigooda ahaa oo ku xayiran

Like it? Share it!

Leave A Response