Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Sunday, Jun 23, 2019 | 726 views

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira kuwo saarnaa Mooto Bajaaj iyo kuwo wadada marayay,waxaana shilkaasu uu yimid kadib markii ay isku dhaceyn Mooto Bajaajta iyo Gaari  nooca Soomaalida u taqaano iska roge oo Carada Guryaha lagu dhiso qaado.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Soddonka gaar ahaan agagaarka Ceel Tubaweyne oo ku yaalla inta u dhaxeysa Shakti Tailor iyo Isgoyska Fagax  ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka shilkaasi ku dhintay ay kala ahaayeen Darawalkii Mootada iyo Oday iyo Cunug yar oo mootada saarnaa halka ay ku dhaawacmeen dad wadada marayay xilliga uu shilka dhacayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray halka uu shilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Darawalka Gaariga iska roga ah, kaas oo isku dayay in uu Goobta ka baxsado.

Wadada Ceel Tubaweyne oo ka timaada Isgoyska fagax ayaa waxaa ay ka mid tahay wadooyinka uu dayactirka ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana mararka qaar ka dhacay shilal sababa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response