Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay duleedka Ceelwaaq

by admin | Saturday, Aug 18, 2018 | 850 views

Ugu yaraan 3 Qof ayaa dhimatay halka ay saddex kale ku dhaawacmeen inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Warguduud oo ka tirsan Dhulka Soomaalida Kenya.

Weerarka ayaa lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Rayidka ah,waxaana la huwiyay Rasaas xoog leh oo sababtay dhimashada lix qof.

Gaariga ayaa ku socday Waddada isku xirta Ceelwaaq iyo Warguduud,waxaana KOoxda jidka u gashay ay rasaas ku fureen iyaga oo aan weydiin wax su’aalo ha.

Isbitaalka Mandheera ayaa la sheegayaa in loo gudbiyay dadka dhaawaca ah oo qaarkood la sheegayo in ay xalaaddooda liidato.

Saraakiisha Amaanka Kenya gaar ahaan Gobolka ayaa diiday in ay ka jawaabaan Taleefannada Warbaahinta Kenya ee arrintan kala xiriirtay.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii labo ka mid ah shaqaalaha dhisayay Darbiga Kenya ee xadka Soomaaliya ay ku dhinteen Qarax Miino ah.

Saraakiisha amniga Waqooyi Bari Kenya ayaa dadka shacabka ah ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab,mararka qaarna siiyaan xogaha la xiriira saffarada saraakiisha Ciidamada iyo tirada saaran Gaadiidka Dowladda ee ku safraya Gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response