Dhismaha jidka Xamar iyo Afgooye oo mashruuc lacag oo kale laga dul abuurtay

by admin | Tuesday, Dec 3, 2019 | 559 views

Weli waxaa socda dhismaha jidka weyn ee isku xiro magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo hadda marayo meel dhexe, inkastoo aan laami la saarin oo weli diyaarin lagu wado.

Hase yeeshee waxaa durba soo shaac baxday dhibaato lagu hayo goobaha ganacsiga iyo guryaha saaran laamiga ee ku yaalla jidka dhismaha ka socdo.

Jidkaas ayaa waxaa la saarayaa Marsha biyeed dheer si aysan gawaarida u kor marin, waxayna taas keentay inay saameyn ku yeelato goobaha ganacsiga iyo guryaha.

Shirkadda la siiyey mashruuca jidkaas ayaa bilawday inay lacago dheeri ah ka qaadato dadka leh guryaha saaran laamiga si looga leexiyo marsha Biyeedka isla markaasna loogu sameeyo meel ay geli karaan gawaarida iyo Parking.

Shirkadda la siiyey mashruuca dhismaha laamigaas ayaa dadka guryaha leh ka qaadaneyso lacago kumanaan Dollar ah, ciddii aan bixina waxaa guriga hortiisa la marinayaa Marsha Biyeedka taasoo saameyn ku yeelaneyso ganacsiyada iyo dadka caadiga ah ee guryaha leh.

Qaar ka tirsan dadka leh guryahaas oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay arrintaan dhibaato weyn ku heyso isla markaasna aysan awoodin inay lacagtaas bixiyaan.

“Sida sharciga ah marka laamiyada la dhisayo waxaa la rabaa in ganacsiyada iyo guryahaha iridooda loo sameeyo meel ay baabuurta u geli karaan, shirkadda dhismaha jidkaan Muqdisho iyo Afgooye waxayna nagu xujeysay inaan lacago dheeri ah bixino si midaas naloogu sameeyo, ciddii aan bixina looma sameenayo” ayuu yiri mid kamid ah dadka guryaha ku leh halkaas ee lacagaha laaluushka ah la waydiiyey.

Mashruuca Dhismaha jidka Afoogye iyo Muqdisho ayaa waxaa la siiyey shirkad, waxaana maal-gelinta bixineysaDowladda Qadar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay la dagaalami doonto musuq maasuqa, waxaana hadda muuqato inaysan jirin tallaabo laga qaadayo shirkaddaan oo dhibaato xoog leh ku heyso dadka leh guryaha saaran laamiga jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Like it? Share it!

Leave A Response